IGAD oo wada qorshe shirka maamul u samaynta Hiiraan & Sh. dhexe loogu soo rarayo Muqdisho

Magaalada MuqdishoWarar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya, in urur goboleedka IGAD iyo Itoobiya ay wadaan qorsho shirka maamul u samaynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe loogu soo wareejinayo magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Shirka maamul u samaynta labada Gobol ayaa hada gogoshiisa waxeey ka furantahay magaalada Jowhar, balse qorshaha looga soo wareejinayo oo ay hor kaceyso Itoobiya, ayaa waxaa la doonayaa in lagu qanciyo ergada Hiiraan oo uu horkacayo Ugaaskooda Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, kaasoo ka biiyo diiday inuu tago Jowhar balse ogolaaday inuu Muqdisho tago.

Ergada ka socota IGAD iyo Itoobiya oo maalmo kahor Ugaas Xasan kula shiray Baladweyne, ayaa la sheegay ineey ka dhaadhiciyeen qorshaha in shirka laga wareejiyo Jowhar loona raro magaalada Muqdisho.

Maamulka Shabeelaha Dhexe oo kahor yimid qorshahan:

Afhayeenka Gobolka Shabeelaha Dhexe Daa’uud Xaaji Cirro, ayaa kahor yimid in shirka laga wareejiyo Jowhar, wuxuuna ku adkeystay in shirka uu ka furanyahay Jowhar, horayna madaxweyne Xasan Shiikh uga furay ayna joogaan odoyaashii beelaha intooda badan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here