IGAD oo taageersan mowqifka ay DFS ka qaadatay shirarka Baydhabo

IGAD oo sheegay in uu taageersan tahay mowqifka ay DFS ka
IGAD oo sheegay in uu taageersan tahay mowqifka ay DFS ka

Ergeyga Urur Goboleedka Igad u qaabilsan Somaliya Ambassador. Maxamed Cabdi Affey, ayaa wuxuu daboolka ka qaaday in Igad ay taageereyso mowqifka, ay Dowladdu ka qaadatay shirarka Magaalada Baydhabo.

Ergeyga, ayaa waxa uu sheegay in samaynta Maamul Goboleedyada dalka looga dambeeyo Dowladda, sidaana uu qabo sida uu hadalka u dhigay Dastuurka dalka u yaala.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in shirka Maamul U Samaynta 6 Gobol uu si cad lid ugu yahay, jiritaanka Maamulka Kmg ah ee Jubba, xilli uu sheegay in Dowladdu ay u aqoonsan tahay mid ka arrimiya Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Waxa uu intaa raaciyay in Urur Goboleedka Igad aanu marnaba la shaqayn doonin dhinacyada, ku hardamaaya shirarka iska soo horjeeda ee gil gilay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Ambassador, Maxamed Cabdi Affey oo la hadlay laanta afka Somaliga ee VOA, ayaa ku cel celiyay in Igad ay ku aragti la tahay Dowladda, halka ay ka joogto shirarka is barbar-socda ee Magaalada Baydhabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here