IGAD oo Maxamed Cabdi Afey u magacowday ergeyga gaarka ah ee u qaabilsan Soomaaliya

Cabdi-AfeeyUrur goboleedka IGAD ayaa Axaddii shalay u magacaabay Maxamed Cabdi Afey ergeygiisa gaarka ah ee u qaabilsan Soomaaliya.

Bayaan uu soo saaray ururka ayuu ku sheegay in Maxamed Cabdi Afey uu yahay shakhsi door muhiim ah ka qaadan kara xoojinta nabadda Soomaaliya.

Xog-hayaha guud ee IGAD, Danjire Maxbuub Macallin ayaa rajo ka muujiyay in ergeyga cusub uu ka soo bixi doono xilka loo magacaabay.

Maxamed Cabdi Afey waa siyaasi Soomaali-Kiinyaan ah, isaga oo horey u soo noqday safiirkii Kenya u fadhiyay Soomaaliya sanadkii 2003.

Wuxuu door weyn ku lahaa shirkii Soomaalida loogu qabtay Mbagathi ee dalka Kenya. Wuxuu kaloo hoggaamiyay wafdigii dowladda Kenya uga qeyb-galay xafladdii lagu caleema-saaray dowladdii Soomaaliya ee uu madaxweynaha ka ahaa Cabdiqaasin Salaad Xasan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here