IGAD oo ka digtay in lahor istaago maamul u samaynta Hiiraan & Sh.dhexe

AfeeyUrur goboleedka IGAD ayaa ka digay in carqaladeyn lagu sameeyo maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, iyadoo 3-da bisha Septembar lagu wado in magaalada Jowhar uu dib uga furmo shirka.

Maxamed Cabdi Afeey, oo ah Danjiraha urur Goboleedka IGAD u fadhiya Soomaaliya, oo ka hadlayay shir jaraa’id oo shalay looga dhawaaqay in maalinta Sabtida soo socota uu dib u furmayo shirkii Jowhar, ayaa sheegay in horumarka dadka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ku xirantahay, ineey dhistaan maamul ay ku mideysanyihiin.

Afeey wuxuu digniin adag ka bixiyay in lahor istaago qorshaha lagu dhisaayo maamulkaas oo ay IGAD hormuud katahay,wuxuuna cadeeyay inaan loo dulqaadan doonin tallaabo kasta oo lagu diidanyahay in maamulkaas la dhiso.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here