IGAD oo eedeyn loo soo jeediyay

Ururu goboleedka IGAD ayaa lagu eedeeyay ineeysan dhex dhexaad ka ahayn dhinacyada isku haya magaalada Kismaayo.

Nabadoon Xasan Macalin Gaaboow oo kamid ah nabadoonada kasoo horjeeda sheeagashada uu sheegtay Axmed Madoobe inuu yahay madaxweynaha maamulka Jubaland, ayaa wareysi uu siyay mid kamid ah Idaacadaha Muqdisho, waxa uu kaga hadlay wafdigii urur goboleedka IGAD ee shalay gaaray Kismaayo.

Nabadoonka ayaa sheegay in wafdiga IGAD ee shalay gaaray Kismaayo ay ka sugayeen ineey isku keenaan dhinacyada isku haya siyaasada Kismaayo, doowlada Soomaaliyana ay goob joog u ahaato, balse aysan taas dhicin oo wafiga IGAD si gaar ah ay ula kulmeen maamulka Axmed madoobe.

Nabadoonka ayaa sidoo kaleka hadlay xaalada amaan ee Kismaayo, waxaana uu sheegay ineey jirto Cabsi islamarkaana aysan jirin cid si rasmi ah gacanta ugu haysa magaalada, waxaana uu xusay in shaqsi kasto uu magaalada ku sito qori, gabaldhiciina cid kasto ay gurigeeda iskuw aardiyeeyso.

“Markaad wareysato dadka Kismaayo waxay kuu sheegayaan in saan saanta muuqata ay ku danbeysneyso dagaal” ayuu yiri nabadoonka.

Dhanka kale maanta oo Axad ah ayaa lagu wadaa, in wadooyinka waaweyn ee Kismaayo ay ka dhacaan banaan baxyo looga soo madaxweynayasha faraha badan ee isku magacaabay ineey yihiin madaxweynaha rasmiga ah mid walba ee maamulka Jubaland.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here