IGAD oo digniinti ugu cusleyd u dirtay kooxda xildhibaanada taabacsan Madoobe Nuunoow

Urur goboleedka IGAD ayaa digniinti ugu cusleyd u diray xildhibaanada xilki ka qaaday Shariif Xasan Sheekh Aadan kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Addis Ababa.

Kulan ay yeesheen madaxda ururkan ay ku midoobeen dalalka Geeska Africa ayey kasoo saareen in cuna qabateyn lagu soo rogo xildhibaanada kasoo horjeesto go,aanadi kasoo baxay shirki Kampala.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Addis Ababa, Saciid Yusuf Nur ayaa sheegay in madaxda IGAD ay isku raaceen in la hir geliyo lagana hor wareego dhamaan mirihi kasoo baxay Kampala Accord, Road Map iyo Heshiiskii Garowe,waxa kale oo uu sheegay in cidi caq1abad ku noqoto oo ka tirsan dowlada la saaro cuna qabateyn.

Kulanka IGAD ayaa waxa kale oo lagu falan qeeyey sidi ciidamada ka socda dalalka deriska ah iyo kuwada dowlada iyo sidoo kale ciidanka Amisom ay u yeelan lahaayeen wada shaqeyn wanaagsan.

Dhinaca kale waxaa lagu wadaa in galabta uu ka furmo magaalada Addis Ababa madaxeedka Midowga Africa.

Shirkaan oo uu ka qeybagalyo madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa xooga lagu saari doonaa arrimaha Soomaaliya, inkastoo sidoo kalana laga yaabo in looga hadlo xaalada dalka Sudan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.