IGAD Oo Arrimaha Soomaaliya Ka Hadashay [War-Saxaafadeed]

kaddib shir ay ku yeesheen wasiirada arrimaha dibadda urur gobaleedka IGAD xarunta midowga Africa ee Addis-Ababa ayaa waxa ay ka soo saareen war-murtiyeed ka kooban dhowr qodob oo looga hadlay xaaladda dalka Soomaaliya.

War-murtiyeedka laga soo saaray kulankaas ayaa lagu soo dhoweeyay guulaha is-dabajooga ah ee ay gaareen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Sidoo kale golaha wasiirada arrimaha dibadda wadamada IGAD waxa ay soo dhaweeyeen in dowladda Djabuti ay soo dhameestirto ciidanka ka jooga Soomaaliya ugu dambeyn 20-ka bishan July, si ciidamamada loo dejiyo meelaha ay ka howgalayaan dalka Soomaaliya.

War-saxaafadeedka IGAD ayaa lagu baaqay in la hakiyo dhaqdhaqaaq kasta inta laga dhammeystirayo horumarka siyaasadeed ee Soomaaliya.taas oo la micno ah in madaxda dowladda ay joojiyaan dacaayadaha ay isku marinayaan warbaahinta.

Sidoo kale waxa lagu yirii  goluhu wuxu soo dhoweeynayaa in tallaabo laga qaadayo kooxaha qaswadayaasha.

Wasiirrada arrimaha dibedda ee IGAD ayaa uga mahadceliyay dowladaha ku taageeray Soomaaliya ciidamada ee Uganda, Burundi, Djibouti, Kenya iyo Ethiopia.

Waxaa kaloo kulanka looga hadlay xaaladaha dalalka koonfurta Sudan, Sudan, Eritrea iyo howsha xogheynta IGAD.

Kulanka ayaa noqonaya kii 45-aad ee wasiirrada arrimaha dibedda ee IGAD ku yeeshaan magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here