Idaacadda Baydhabo oo la weerraray

Wararka naga soo gaarayo magaalada Baydhabo ee gobalka Baay ayaa sheegay in halkaas maanta lagu weerraray bamb gacmeed.

Aggaasimaha Idaacadda Baydhabo ayaa warbaahinta Muqdisho in weerrarkaas uusan cidna wax ka soo gaarin isla markaana uu ku dhacay gudaha idaacadda.

Ciidamada ammaanka dowladda ayaa la sheegay in ay goobta gaarayn waxaana ay billaabeen baaritaan laakin ma jirto illaa hadda cid ay soo qabteen .

Radio Baydhabo ayaa ah idaacada keliya ee laga dhageysto magaalada Baydhabo iyo deegaannada ku dhow-dhow,waxaana ay ku hadashaa afka Mayda.

Sidoo kale waxaa laga dhageystaa Radio Barkulan oo FM geesay.

Ma jiro illaa hadda cid sheegatay weerrarka lagu qaaday Idaacadda Baydhabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here