Idaacada Risaala oo weli Xiran & Mas’uuliyiintii idaacadaasi oo Xabsi ku jira

IMG_075D40-2CFB8C-876989-9AE980-9D441A-B662A2Waxaa shalay ciidanka Hay’ada Nabad Sugida Qaranka Soomaaliyeed Albaabada Iskugu dhufteen Xarunta Idaacada Risaala ee Magaalada Muqdisho ku taalla kadib markii warqad lagu xirayey idaacadaasi la geeyey.

Ciidanka ayaa hore ukaxeystay Agaasimihii idaacadaasi Maxamed Cabdiwahaab Cabdullaahi,Maxamed Kaafi Shiikh Abuukar oo ah Tifaftiraha Radio Risaala iyo Wariye lagu magacaabo Maxamed Cabdi Cali.

Waxa lagu heystaa idaacadaasi baahinta war been abuur ah oo Jimcihii ay baahiyeen kaasi oo ahaa in Gobolka Shabellaha Hoose lagu arkay Ruux qaba ama looga shakiyey Cudurka Ebola markii ay dawladu baaritan sameysana uu been noqday warkaasi.

Agaasime Maxamed Cabdiwahaab,Maxamed Kaafi iyo Wariye Maxamed Cabdi Cali ayaa Seddexduba waxay xalay ku hoydeen Xabsi ku yaalla Xarunta Nabad Sugida ee Madaxtooyada ku yaalla sida ay inoo sheegeen wariyeyaal Risaala la shaqeeya waxaana sidoo kale weli hawada ka maqan muddo 20 saac ku dhaw Fm-ta Radio Risaala Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here