Idaacad u gaar ah Haweenka oo Muqdisho laga furayo

Sida lawada ogyahay magaalada Muqdisho, waxaa ka furan Idaacado kabadan 10, kuwaasoo ah kuwo gaar loo leeyahay, iyo kuwo Xisbiyo ay leeyihiin.

Balse markaan waxaa magaalada Muqdisho laga furi doonaa markii ugu horeeysay Idaacad ay maamuli doonaan haween Soomaaliyeed, taasoo ujeedku yahay in kor loo qaado xirfada dhanka warbaahinta Haweenka Soomaaliyeed.

Aman Radiyo ayaa noqonaya raadiyihii ugu horreeyay ee wada haween ah ee abid gala hawada Muqdisho, iyadoo ujeedadu tahay in kor loo qaado taariikhda haweenka Soomaaliyeed, laguna tababaro warbaahinta.

Idaacadaan oo Xafiiskeedu yahay Muqdisho, hawadana goordhow soo gali doonta ayaa waxaa hirgaliyay, Xarunta Warbaahinta Haweenka iyo Tababarrada Saxaafadda ee Nasiib, waxaana taageero dhaqaale siiya haween Soomaaliyeed oo dalka dibaddiisa ku nool.

Xarunta ayaa haweenka dhallinyarada ah ee Soomaaliyeed ee xiisaynaya saxaafadda siinaysaa tababarro saxaafadeed, iyadoo Aman Raadiyo uu dhamaystirayo tababarradaas isagoo dadka soo qalin jabiya siinaya fursad ay ku hir galiyaan xirfadahooda cusub iyagoo raadiyaha adeegsanaya.

Farxiya Faarax Roble, oo ka hadlaysa sababta iyo ujeedada loo aas aasay Radiyahan, ayaa tiri.

“…Sababta aan u dooranay in aan raadiye ku bilowno waa inaysan aqrinta ku badnayn Soomaaliya [hadda], waxaanuna doonnay [in aan doorano qaab] naga caawinaya in aan ku gaarno ama ku fidino farriinteena ah xoojinta haweenka Soomaaliyeed. Taasi waa sababta aan u doonnay in aan abuurno xarun warbaahineed oo ay leeyihiin, ayna maamulaan haween…..”

Xigasho:Sabahi Online

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here