Idaacad FM ah oo uu lahaa Galmudug oo Gaalkacyo lagu dhacay

Idaacad FM ah oo ay dhawaan Dowlada Soomaaliya ugu deeqday maamulka Galmudug ayaa maanta lagu dhacay koonfurta Gaalkacyo.

Dableey hubeysan oo sida la sheegayo ay ku jireen qaar ka mid ah waardiyaashi idaacada ayaa rartay qalabka ay ku dhaqeynaysay idaacada kadibna goobta gaari uga baxsaday.

Sida ay xaqiijiyeen maamulka idaacada, raadiyah ayaa hawada ku jiray mudo 7 maalin oo qura dadkuna aad ayey u xiiseynayeeen, waxaana hada socdo dadaalo ay wadaan ciidamada amaanka.

Lama oga sababta ka danbeysa dhaca loo geystay idaacadaasi, waxaa kale oo aanan la ogeyn talaabada uu ka qaadi doono maamulka madaxweyne Cabdi Qeybdiid oo laga dhacay raadiyahaasi.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here