ICRC oo deegaano kamid ah gobolka Hiiraan ka bilowday cunto qeybin

Hay’adda ICRC ayaa ka bilowday howlo cunto qeybin ah deegaano ka mid ah gobolka Hiiraan.

Cunto qeybintan oo ah tii ugu horeysey ee ay hay’adda ICRC ka hirgeliso gobolka Hiiraan tan iyo markii laga bixiyey ururka Alshabaab xarunta gobolka Hiiraan ayaa la qorsheeyey in cuntadaa la gaarsiiyo kumanaan qoys oo ku nool deegaano hoos yimaada gobolka Hiiraan.

Sarkaal ka tirsan hay’adda ICRC ayaa sheegay in cunto qeybintan ay tahay mid la doonayo in loogaga hortago in macluul ay ka dilaacdo gobolka Hiiraan maadaama qoysas badan oo ku nool gobolkaasi ay hayso cunto yaraan.

Gargaarkan cuntada ah ayaa durba la gaarsiiyey boqolaal qoys oo ku nool tuuloyin ku yaal hareeraha wabiga Shabelle iyo deegaano kale.

Cuntadan la gaarsiiyey qoysaskan ayaa ah mid isugu jirta cunto caadi ah iyo cunto nafaqeysan oo loogu talogalay carruurta iyo dadka ay nafaqa darrada hayso.

“Bariis,Saliid,Digir iyo cunto nafaqeysan ayaan u qeybinayay boqolaal qoys oo ku kala nool deegaano kamid ah gobolka Hiiraan” ayuu yiri sarkaal u hadlay hay’ada ICRC oo ku sugan degmada Beledweyne.

Qoysaska la gaarsiiyey deeqdan cuntada ah ayaa soo dhoweeyey gargaarkan cuntada ah oo la keenay deeganadooda iyadoo ay ahayd markii ugu horeysey oo dhowr sano dadkan la gaarsiiyo cunto gargaar ah.

Hay’adda ICRC ayaa kamid ah hay’adaha ay ka mamnuucday ururka Alshabaab inay ka howlgalaan deegaanada ay maamusho hase yeeshee waxaa ay hay’ada ICRC ay ka wadaa howlo cunto qeybin ah gobolka Gedo oo ka mid ah deegaanada aysan maamulin ururka Alshabaab.