ICG oo War Kasoo Saartay Xaaladda Soomaaliya

War ay ICG ka soo saartay Nairobi ayaa lagu sheegay, in saxiixayaasha Roud-Map-ka ay wadaan qas hannaanka looga baxaayo KMG oo shaley ku ekaa 20-August.

Kooxda IGG ayaa sidoo kale eedeen u soo jeedisay Guddiga Farsamada ee soo xulaya baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Hey’adda ICG lwaxey labadan ku eedeesay in aysan ku koobnaan howlahooda kormeer ee xitaa ay gallaan gal u yeesheen sida lagu sheegay warbixinta ay soo saareyn.

ICG ayaa walaac ka muujisay waxa hadda socda, waxana ay iftiimesay haddii sidan ay wax u sii socdaan in ay halis gali garaan dedaaladii la bixiyay.

Waxa ay baaq u direen hoggaanka iyo hey’addaha cusub ee soo socda, in ay ka salka u dhigaan aasaas ku qotoma wadajir iyo midnimo.

Ugu dambeyn waxa ay ICG baaq u dirtay beesha caalamka, QM, saxiixayaasha Roud-Map-ka iyo Guddiga Farsamada.

QM waxa ay ugu baaqeyn in ay joojiyaan degdega ku aadan taasoo suuragal noqoneynin in wax kasta ay siddoodii noqdaan.

Kooxda ICG Beesha caalamka waxa ay u soo jeedisay inay xaqiijiyaan in saxiixayaasha iyo guddiga farsamada in siddii la rabay ay u soo xulayaan xubnaha baarlamaanka cusub.

Waxey sidoo kale ICG ugu baaqday madaxda dowladda, saxiixayaasha roadmap-ka, iyo odayaasha dhaqanka in hannaanka marxaladda kala guurka ah lagu soo dhameeyo hannaan wanaagsan.

Si kastaba warbixinta ICG ayaa ku soo aaday iyadoo uu dhamaaday xiliga KMG ah ee Soomaaliya, iyo Soomaaliya oo yeelatay dowlad rasmi ah oo aan ahayn KMG ah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here