Ibrahimovic iyo Suarez waxa ay ku soo wajahan yihiin Juventus, sidaas waxaa yiri Conte

Kooxda Talyaaniga ka dhican ee Juventus ayaa shaaca ka qaaday Isniinta maanta ah, in ay baadigoob xooggan ugu jirto xidiggaha kala ah Zlatan Ibrahimovic iyo Luis Suarez.

Tababaraha marwada da’da ah Antonio Conte, ayaa dadka wararka fidiya u sheegay in kooxda lacag kasta oo lagu doonayo labadan ciyaartooy ay bixin doonto si ay u keento garoonka Turino.

Warar aan la hubin ayaa sheegaya in Ibrahimovic uu u socdo garoonka Turino halkaasoo wakiilkiisa lagu arkay toddobaadkii horre.

Weerar yahanka reer Swedish, ayaa labo sanno ku soo qaatay kooxda Juventus intii u dhexeysay 2004 iyo 2006, Sidoo xidigga Paris Saint-Germain,ayaa heshiiska uu kula jooga kooxda uu dhammaad ku egyahay.

Kooxda Juventus ayaa soo bandhigtay lacag gaareyso 8, 9 ama 10 million euros.”

Ciyaaryahan Luis Suarez tan iyo markii uu qaniinay difaaca reer Chelsea Branislav Ivanovic. , waxaa kooxda Liverpool ay shaacisay in ay iska iibin doonto, waxaana la soo daristay xidigga reer Uruguay sumcad xumo iyo eedeen badan.

Waxaa la ganaaxay 10-kulan markii la ogaaday in uu qaniinay ciyaaryahanka Ivanovic ee Chelsea u ciyaara.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here