Ibrahimovic: Ballon d’Or ha lagu badallo magaca Messi

Ciyaaryahanka reer Sweden, ayaa sheegay in macaga abaalmarinta Ballon d’Or loo badalo magaca ciyaaryahanka reer Argentine Lionel Messi maadama uu afar jeer oo isku xigga uu ku geeleestay abaalmarintaas.

Zlatan Ibrahimovic ayaa isku diyaarinaya ciyaarta kooxda Paris Saint-Germain ay la lee dahay caawa kooxda Barcelona tartanka kubadda Yurub ee UEFA Champions League heerka quarterfinal-ka.

Xiddigga Barcelona ayaa noqday xidigga kaliye ee 18-jeer goolal ka dhaliyay ciyaar kasta tartanka horiyaalka Spain ee La Liga, bishii January ayuu ku guuleestay markii afaraad Ballon d’Or.

“Waa ciyaaryahanka dunidda ugu wanaagdan hadda,” Ibrahimovic ayaa sidaas u sheegay wariyaasha kaddib shir jaraa’id oo uu qabtay. “Wuxuu ku guuleestay afar jeer Ballon d’Ors. marka waa in loo badalo magaca abaalmarinta looguna yeero Messi.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here