Ibrahim Isaq Yaroow: Labaatameeyo xildhibaan ayaa i garaacday oo dhiigeyga daadisay


Mid ka mid ah xildhibaanadi maanta lagu weeraray Golaha Shacbiga ee magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyey sida ay wax u gaareen.

Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yaroow oo uu dhaawac kasoo gaaray gacan ka hadalki baarlamaanka ayaa sheegay in ay mudanayaal ka tirsan baarlamaanka oo uu aad u garanayo ku garaaceen alwaax ay kasoo jajabsadeen miisasaka iyo kuraasta xarunta baarlamaanka.

Mudanayaan ayaa tilmaamay in dadka dhaawacmay oo hada qaarkood jira isbitaalada ay gaarayaan 7 xildhibaan.

“Ilaa labaatameeyo nin baa isoo weerartay kuraastii baarlamaanka oo soo jajabiyeen beey soo qaateen weey nagu dhifteen,gacanta waxbaa iga gaaray laakin ma jabtna dararna waa isoo gaaray, dad kale oo asxaabteeyda ah ayaa iyana la weeraray isbitaalada ayeyna ku kala maqanyihiin ilaa iyo 7 ruux baan arkayey oo la miranayey oo uu dhiig ka da,dayey.” ayuu yiri.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta marki afraad gacmaha isula tagay kadib marki ay xildhibaano is qilaafsan oo kala taageersan gudoomiyaha baarlamaanka qaarna mucaaradsan ay isku qabsadeen fadhiga Golaha Shacbiga.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com 
midnimo12@googlemail.com