Ibra: Maya dhib kama jiro AC Milan

Gooldhaliyaha caanka ah Zlatan Ibrahimovic ayaa ku adkeystay inuusan wax dhib ah ka jirin war dhawaan uu ka sheegay kooxda Milan oo ahaa in naadiga ay heysato dhaqaale la,aan.

Laakin Ibra wuxuu leeyahay waxa jiray telfoono loo soo diray oo kaga yimid xaga Milan kadib muran uu taageerayaasha kooxda dhexdeeda ka dhaliyey hadalkaasi la xiriiray dhaqaalaha Milan.

Laacibka heerka caalami ee dalka Sweden ayaa bishi May sheegay in Rossoneri ay bartanka u taalo dhibaatooyin xaga dhaqaalaha isaga oo ku dooday in aysan xiligaan awoodin in ay keensato xidigo caan ah oo ay kooxda ku xoojiso.

Milan ayaa warkaasi beenisay, waxaana Ibra uu kala kulmay waxoogaa canaan ah sida uu isagu qirayo.

“Haa, waxaa jiray waxoogaa telfoono ah oo iisoo dhacay iyo erayo aan is dhahnay, laakin arinta muhiimka ah ayaa ah in aysan wax dhibaat ah jirin oo wax walba ay cadyihiin waana inaan horay eegnaa oo aanan gadaal u soo jeesan,” ayaa lagu yiri warbixinta.

Ibrahimovic, hada waxa uu ka midyahay laacibiinta ka qeybgaleysa koobka Qaramada Yurub ee Euro 2012 oo todobaadkan soo aadan furmaya.