Ibra iyo Silva oo joogaya Milan

Tababaraha kooxda AC Milan Massimiliano Allegri ayaa xaqiijiyey in milkiilaha naadiga Silvio Berlusconi uu u balan qaaday in aanan la iibin doonin Zlatan Ibrahimovic iyo Thiago Silva will not be sold.

Labadaasi laacib ayaa la hadal hayey beryahaan in ay ka tagi doonaan kooxda Rossoneri xagaagaan, hase yeeshee macalinkan 44-jirka ah ayaa warkaasi ku tilmaamay mid rabshad ah.

“Wax walba way ka dhic karaan halkaan marka uu furmo suuqa kala iibsiga bisha August marka laga reebo labadani laacib,” ayuu Allegri u sheegay La Gazzetta dello Sport.

Allegri ayaa dhanka kale ka jawaabay war kusoo laab laabtay maskaxdiisa oo saxafiiyiin badani weydiiyeen qaar badana oo taageerayaasha Milan ka mid ahna ay ku cambaareeyaan, kaasi oo ah go,aanki uu ku fasaxay Andrea Pirlo sanadki hore.

Pirlo ayaa ku biiray Juventus kadibna waxa uu noqday laf dhabarka naadiga isaga oo la qaaday horyaalka Talyaaniga.

“Waxa uu ahaa go,aan xitaa uu Andrea qudhiisa gaaray, xitaa hadii Juve aysan ku guuleysan laheyn wariyaashiinan wax war ah kama qori laheyn Pirlo iyo arintiisa, waxaad ogtihiin in sanadki hore uu nala qaaday horyaalka isaga oo aanan si wanaagsan u ciyaarin,”. ayuu yiri.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.