Husni Mubarak oo maanta la xakumayo

Madaxweynihi hore ee dalka Masar Hosni Mubarak ayaa maanta lagu wadaa in ay xakun ku rido maxkamad ku taalo dalka Masar taasi oo go,aan ka gaari doonto waxa uu ku muteysan doono dilka dad si nabad ah ugu mudaaharaadayey Qahiro sanadki hore.

Mubarak, oo ah hogaamiyihi ugu horeeyey ee Carbeed oo dadkiisu ay markamadeeyaan tan iyo marki uu bilowday Kacdoonka Carabka sanaki 2010, ayaa wajahaya eedeymo aad u adag oo ah inuu amray dilka ilaa iyo 900 oo ruux oo la dilay inti uu socday mudaaharaadki isaga ka dhanka ahaa ee marki danbana xakunka loogaga tuuray 11 February  2011.

Waxaa sidoo kale maxkamada xakumi doontaa wasiirkiisii hore ee arrimaha gudaha Habib al-Adli, iyo lix sarkaal oo iyana ka mid ahaa ciidamada amaanka ee watay booliksi dhibi jiray mudaaharaadyaalki 18-ka maalin taagnaa fagaaraha Taxriir.

Labada wiil ee Mubaarak Alaa iyo Gamal, ayaa iyaguna la xakumayaa waxaana lagu soo oogay dacwad la xiriirta musuq maasuq, hadii laguhelo waxay wajahi doonaan xabsi sadex sana ah.


Hadii danbi lagu helo Mubarak oo haatan ah 84 jir waxa uu muteysan doonaa dil toogasho, waxa kale oo uu wajahayaa danbiyo kale oo u badan musuqmaasuq isaga iyo qaar kale oo ka tirsan qoyskiisa oo dalka ka baxday.

Halka ay maxkamadu ka dhici doonto oo ah akadeemiyad boolis kuna taala banaanka magaalada Qahiro waxaa waar diyen doona 5,000 oo boolis iyo 2,000 oo milatari.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.