Huriwaa oo hooy u noqotay weerarada shabaab

Somalia American ExtremistsDagaal ay bar bar socdaan madaafiic xoogan, ayaa xalay laga maqlay qeybo kamid ah degmada Huriwaa ee Gobolka Banaadir, kadib markii ay shabaab weerar ku qaadeen saldhig ay ciidamada Doowlada halkaas ku lahaayeen.

Dagaalka oo intiisa badan ka dhacay warshada Barafuunka oo saldhig u ah ciidamada AMISOM, ayaa waxaa la sheegay inuu socday mudo ku dhow hal saac.

Madaafiic ayaa la maqlayay oo ay Ciidamada AMISOM ka ridayeen xarumahooda, sida Garoonka Kubada Cagta Stadium Muqdisho, waxaana dagaalkii xalay iyo madaafiicdii dhacayay uu ka duwanaa weeraradii habeenadii la soo dhaafay ka dhacayay xaafadaha Huriwaa iyo Yaaqshiid.

Madaafiicda ay labada dhinac is weeydaarsanayeen, ayaa waxaa lagu soo waramayaa ineey ku habteen Guryo badan oo aan la daganeyn.

Inta la og yahay hal ruux ayaa ku dhintay, halka todobo kalena ay ku dhaawacmeen dagaalkii xalay oo ahaa mid aad u cuslaa.

Weerarada iyo dhaq dhaqaaqa xoogan ee ay shabaab ka wadaan magaalada Muqdisho, ayaa ah mid fasir aan wanaagsaneen ka bixineyso hadalada DFS iyo AMISOM ee ah iney shabaab ka xureeynayaan Gobolada Dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here