Humud: Alshabaab waxaan uga daba tagi doonaa Puntland

Col. Ali Aadan Humud
Col. Ali Aadan Humud

Col. Cali Aadan Xumud, oo ah Afhayeenka Guud ee Ciidamada AMISOM, oo Saxaafada kula hadlayay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in hadii ay shabaab kaga guuleeystaan Dagaalka Koofurta & Bartamaha, ay kaga daba tagi doonaan Buuraha Puntland.

Cali Xumad ayaa sidoo kale cadeeyay in howlgalada AMISOM ee sanadkii lasoo dhaafay uu ahaa mid aad u hooseeyaa sheegayna in sanadkan 2014 ay sameyn doonaan isbadal la taaban karo.

“Haddii dadka Soomaaliyeed iyo caalamka ku niyad-jabeen shaqadii aan qabannay sanadkii 2013, sanadkan waxaan sameyn doonnaa is-beddel weyn. Waxaan Al-Shabaab ka saari doonnaa magaalooyinka muhiimka ah ee ay kaga sugan tahay dalka,”  ayuu yiri Afhahayeenka.

Madaxwaynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheek Maxamuud ayaa balan qaaday in sanadkan 2014 uu noqon doono sanadki la xidido siibi lahaa Al-shabab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here