Hub lagala baxay Baqaaro ku yaala Villa Somaliya iyo Sarkaal Uxiran Arintaan

Qaar kamid ah Idaacadaha Muqdisho, ayaa cawada baahiyay war ku saabsan in lala baxay hub ay lahayd doowlada federaalka Soomaaliya, kaasoo ku keydsanaa xaruunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.

Waxaa kaloo wararku ay sheegayan in sarkaal katirsan Ciidamada doowlada Soomaaliya xabsiga la dhigay, kaasoo la sheegay in lagu eedeeynayo inuu qayb ku lahaa qaadista hubkaan madaxtooyada yaala.

Warar kala duwan oo is qilaafsan ayaa kasoo baxaya hubkaan, balse wararka ugu badan ayaa sheegaya in hubkaan la doonayay in loo gacan galiyo kooxaha kasoo horjeeda doowlada Soomaaliya, gaar ahaan Al-shabaab, kuwaasoo mararka qaar adeegsada madaafiicda mootarada, islamarkaasna lasoo beegsada xaruunta madaxtooyada iyo goobaha kale ay daganyihiin masuuliyiinta doowlada.

Xalay ayaa lasheegay in si dhab ah loo ogaaday arintaan, kadib markii la qabtay rag hub ka daldalayay baqarada madaxtooyada, iyadoona ragas xabsiga loo taxaabay, waxaana kujira sarkaal sare, hubka la qabtay ayaa waxaa kujiray 11 rasaasta Hoobiyaha loo yaqaano.

Sarkaalka arintaan loo xiray ayaa magaciisa waxaa lagu soo koobay C/fitaax, hase yeeshee ay jiri karaan rag kaloo ku lug leh arintaan.

Markii uu soo baxay warkaan, ayaa maanta waxaa baqaarada hubka ee madaxtooyada kormeeray, Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud, waxaana la sheegay in hub farabadan uu goobtaasi ka maqnaaday, oo qaarkood horay loo raray, sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonyahay.

Saameynta ay arintan doowlada ku yeelan karto:

Dad badan ayaa qaba in hadii arintaan ay cadaato, doowlada Soomaaliya lagala laaban karo kalsoonidii ahayd in lagu aamino hub, maadaama maalmo kahor la qaaday xayiraadii hubka ee mudada saarneyd Soomaaliya.

Arintaan ayaa saameyn ku yeelan karta amaanka madaxtooyada, iyo guud ahaanba sumcada doowlada, oo hada u muuqatay mid kalsooni badan kasamaystay beesha Caalamka.

Wixii warar ah ee kusoo kordha, waxaan idinkugu soo gudbin doonaa wararkeena danbe insha alaah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here