HRW:Qaxootiga Muqdisho waxay la kulmaan Kufsi iyo dhibaatooyin

Dadka tabarta daran eek u nool xeryaha qaxootiga Muqdisho, ayaa ah kuwo had iyo jeer lakulma dhibaato xaga jinsiga ah, iyo dhibaatooyin kale, sidaasi waxaa lagu sheegay warbixin ay soo saartay hay’ada QM uqaabilsan dabagalka tacadiyada xuquuqul aadanaha ee HRW.

Warbixinta, ayaa lagu sheegay in kuwa dhibaatada u geysta qaxootiga kujira xeryaha Muqdisho, ay yihiin dad hubeysan, oo ay ku jiraan qaar kamid ah Ciidamada doowlada Soomaaliya.

Haweenka kufsiga loogu geysto xeryaha Muqdisho, ayaa ah kuwa kasoo cararay dagaalada iyo abaaraha ka dhacay gobolada qaar.

Sidoo kale warbixinta HRW, ayaa lagu sheegay in maamulayaasha Kaamamka ay yihiin kuwo xiriir la leh kuwa dhibaateeya qaxootiga barakacayaasha, sidoo kale waxay leexsadaan raashinka iyo gargaarka loogu talagalay dadkaas, waxayna geystaan suuqdaya.

HRW , ayaa sidoo kale warbixinteeda ku xustay in doowlada uu hogaamiyo madaxweyne Xasan Shiikh, oo mudo kooban jirta, ay wax kaqabatay dhibaatooyinka loo geysto barakacayaasha  ilaa iyo xad.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in maamulayaasha kaamamka Muqdisho, ay aad uga macaasheen raashinka loogu talagalay dadka barakacayaasha ah, islamarkasna ay u diidaan ineey isaga guuraan kaamamka.

Dhibaatada ugu daran ee ay lakulmaan barakacayaasha ayaa ah Kufsi lagula kaco haweenka iyo gabdhaha aadka u yar yar, kuwaasoo aan awoodin iney dhibaatadooda gaarsiiyaan doowlada, waxayna ka baqayaan in aargudsi lagu sameeyo ama ay ceeb kala kulmaan bulshada dhexdeeda.

Warbixinta HRW oo soo xiganeysa haweenka qaar ee lagu kufsaday kaamamka Muqdisho, ayaa waxaa kujirta haweeneey sheegtay in iyadoo leh uur sagaal bilood leh ay kufsi u geysteen rag 3 ahaa kuna labisnaa dharka Ciidanka doowlada.

Warbixintan ay soo sartay hay’ada HRW, ayaa kusoo aadaya xili maalmo kahor ay doowlada Soomaaliya Xabsiga kasii deysay haweeneey sheegtay in lakufsaday, iyo wariyihii wareystay.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here