HRW oo talooyin soo jeedisay

Warbixin ay soo saartay maanta oo Talaado ah Hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha Human Rights Watch in la adkeeyo ammaanka hey’adda garsoorka dalka Soomaaliya, kaddib markii qaraxyo toogasho toos ah ay Axadii ka dhaceen xarumaha maxkamaddaha.

Talo soo-jeedinta Human Rights Watch ayaa imaneysa kaddib weerarradii Axadda ka dhacay Muqdisho, ee kooxda al-Shabaab ay ku qaadday dhismaha maxkamadda gobolka Banaadir iyo kolonyo gaadiid ah oo ay saarnaayeen samafaleyaal u dhashay dalka Turkiga.

Human Rights ayaa weerarrada oo ay ku dhinteen in ka badan 30 qof ku tilmaamtay “dambi dagaal”.

“Dadaalka ka socda Soomaaliya ee dib u habeynta garsoorka waa mid muhiim ah,” ayay war qoraal ah ku tiri Leslie Lefkow, oo ah ku xigeenka agaasimaha Human Rights Watch ee Afrika.

Si loo hirgeliyo dib u habeynta garsoorka, Leslie waxay sheegtay in loo baahan yahay xaqiijinta in garsooreyaasha maxkamadeed iyo qareennada ay helaan ilaalo si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo.

Hay’adda ma aaney shaacin cidda ay tahay inay ilaalada bixiso, hase yeeshee dowladda Soomaaliya lafteeda ayaa dhinaca ammaanka waxay si weyn ugu tiirsan tahay ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM.
Human Rights Watch ayaa cambaareysay weerarrada al-Shabaab ee dhismaha maxkamadda iyo kolonyada shaqalaaha samafalka, iyadoo ku tilmaamtay inay ahaayeen “dambiyo dagaal”.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here