HRW oo Kenya uga digtay in la dhibaateeyo qaxootiga Soomaaliyeed

download (1)Kadib dhacdadii ka dhacday isbuucaan Xaruunta Ganacsi ee Westgate Mall Shopping ayaa Hay’ada u dooda xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa Bayaan ay soo saartay waxay uga degtay dowladda Kenya in ay dhibaato u gaysato Shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha dalka kenya gaar ahaan Shacabka ku nool xaafada Islii ee magaalada Nairobi.

HRW  ayaa ka hadashay dhacdadii Isbuucan ka ka dhacday Suuqa loo dukaamaysi tago ee Westgate mall kaasi oo ay sheegteen in ay ka dambeeyeen Ururka Alshabaab ee ka dagaalama gudaha dalka Soomaaliya waxayna hay’adu sheegtay in laga yaabo in siyaasiyiinta iyo shacabka kenya sameeyaan Aargoosi ku wajahan Soomaalida ku dhaqan magaalada Nairobi.

Hay’ada ayaa bayaankeeda ku sheegtay in mar walba laga fili karo shacab kenya  inay dhibaateeyaan Soomaalida ku dhaqan dalkaas sidii dhacday sanadkii 2012kii oo ay dad ka caraysnaa weerar lagu qaaday gudaha dalka Kenya ay weeraro iyo dhac u gaysteen goobo ganacsi oo ku yaala xaafada Islii ee magaalada Nairobi

Human Rights Watch ayaa dowladda Kenya ka codsatay uguna Baaqday in ay la hadasho Siyaasiyiinta dalkaas waxayna Hay’adu sheegtay inay siyaasiyiintu jeedin karaan hadalo kicin kara Shacabka reer Kenya, ayna markaas ka dib bilaaban karaan Rabshado ku baaha dhamaan dalka Kenya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here