Howlo Nadaafadeed oo ka soconaya X/weyne Sawiro

Degmada X/weyne oo kamid ah 16ka degmo ee magaalada Muqdisho, ayaa maalmihii ugu danbeeyay waxaa ka soconayay Ololo nadaafadeed oo ad u xoogan, islamarkaasna lagu soo celinayo bilicdii iyo quruxdii ay lahaan jirtay degmada.

Degmada X/weyne, ayaa hada kujirta degmooyinka ugu nadaafada Xun, gaar ahaan Suuqa, waxaana qaybo kamid ah degmada yaala qashin aad u baaxad weyne, iyo meelo biyo galeen ah.

Maamulka gobolka banaadir, oo maalmihii ugu danbeeyay Ololo nadaafadaed ka waday qaybo kamid ah degmooyinka gobolka banaadir, ayaa hada usoo jeestay inuu wax ka qabto nadaafada degmada X/weyne, waxaana maanta uu suuqa X/weyne ka bilaabay Ololo nadaafadeed.

Ololahaan, ayaa waxaa ka qayb qaadanayay Haween aad ufarabadan oo maamulka u qaabilsan ololaha nadaafada iyo Baaldoosaro gaagaab looguna talo galay in lagu qaado qashinka.

Muqdisho, ayaa labadii sano ee lasoo dhaafay kasoo kabsaneysay bur burkii kasoo gaaray dagaalo 22 sano ka socday, iyadoo hadda magaalada ay u muuqato mid si xowli ah kusoo ceshaneysa bilicdii ay beryo samaadkii lahayd, waxaana arintaas si gaar ah ugu amaanan maamulka gobolka banaadir oo iyaga isku xil saaray ineey bilaan bilicda Caasimada dalka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here