Howlihii Garoonka Muqdisho oo saakay hakad kujira kadib markii…

Garoonka Diyaaradaha Muqdisho
Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Idaacad maxalli ah oo ku taalla Muqdisho, ayaa saaaka oo Isniin ah baahisay War ku saabsan in shaqaalaha gegidda caalamiga ee diyaaradaha Aadan Cabdulle Cismaan ee magaalada Muqdisho ay ku dhawaaqeen shaqo joojin kaddib markii in muddo ah aan la siin wax mushaaro ah.

Mid ka mid ah shaqaalaha garoonka oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in muddo seddax bil aan wax mushaaro ah la siin shaqaalaha shirkadda Favari ee maamusha garoonka Muqdisho.

Wuxuu sheegay oo kale in shaqaalaha Soomaalida ee ka shaqeeya garoonka lagu hayo dhibaatooyin badan oo ay ka mid tahay faquuq iyo in dadka ajnebiga laga jecel yahay.

Shaqaalahan shaqo joojinta sameeyay ayaa ku sugan bannaanka horre ee garoonka diyaaradaha Muqdisho, halkaasoo ay ku soo bandhigeen shaqo joojin ilaa inta laga siinayo xuquuqda ay xaqa u lahaayeen, isla markaana laga joojiyo in iyagoo muwaadiniin ah laga jeclaado qof ajnebi oo dibadda ka yimid.

“Marka garoonka ay yimaadaan mas’uuliyiin waxaa shaqaalaha Soomaalida ee howsha wada lagu amraa in ay shaqada ku wareejiyaan ajaaniibta si loo arko howsha ay ka hayaan garoonka diyaaradaha Muqdisho” ayuu yiri mid ka mid ah shaqaalaha garoonka ee saaka shaqo joojinta sameeyay.

Si kastaba, ma jirto ilaa hadda war ka soo baxay dowladda Soomaaliya iyo shirkadda maamusha garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Favori oo ah shirkad laga lee yahay dalka Turkiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here