Howlgalo maanta laga sameeyey degmooyinka, Dharkeenleey, Kaaraan iyo Yaaqshiid

Howlgalo ay maanta ciidamo ka tirsan milatariga dowlada iyo kuwa Amisom ayaa howlgalo ka sameeyey xaafado ka mid ah degmooyinka Dharkeenleey, Kaaraan iyo Yaaqshiid.

Sida ay sheegayaan saraakiisha, howlgaladaan ayaa ka danbeeyey kadib marki la ogaaday in ay kusoo dhex dhuunteen qeybo badan oo magaalada ah dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab oo isku soo dhex qariyey gaadiidka dadka barakaca ah kasoo daabulay deegaanada loo barakacay.

Taliyaha gaaska labaad, C/laahi Cisman Cageey ayaa sheegay in howlgalka uu yimid kadib marki ay ogaadeen in canaasir ka tirsan Al Shabaab ay kusoo dhexdhuunteen Muqdihso.

“Howlgalka wuxuu kus aabsanaa waxaa la ogaaday in dadka marki ay Ceelasha kasoo qaxeen ay nimanki cadawga ahaa soo galeen magaalada, waxay soo galeen intooda badan Dharkeenleey, hada waxaan qabanay dad aan tuhunsanahay baaris ayaana ku wadnaa hada,”

Saraakiisha ciidamada dowlada ayaa sheegay in howlgalka ay kusoo qabteen tobanaan ruux oo intooda badan laga qabtay degmooyinka Kaaraan iyo Dharkeenleey.

Sidoo kale waxa ka mid ahaa dadki maanta lagu soo qab qabtay howlgalada ciidamo ka tirsan dowlada KMG Soomaaliya oo iyaga oo aanan labisneyn isla markaana hubeysan lagu arkay xaafadaha qaar.

Ciidamada dowlada ayaa labadi maalin ee ugu danbeysay xoojiyey howlgalada, iyaga oo Sabtidi iyo Axadi lasoo dhaafay qabtay gawaari lagu soo xiray walxaha qarxa.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.