Howlgalo lagu sugayo amniga oo ka bilowday Afgoye kadib markii xalay bam lagu weeraray saldhiga Booliska

Wararka ka imanaya degmada Afgoye ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in saaka ay howlgalo ka wadaan xaafadaha degmadaasi ciidamada amniga kadib markii xalay bam lagu weeraray saldhiga booliska degmada Afgoye.

Weerarka lagu qaaday saldhiga booliska Afgoye ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen labo kamid ah ciidamada booliska ee halkaa ku sugnaa iyadoo aysan jirin dad ku dhintey weerarkan.

Inkastoo uu dahacay weerarkan  xilli fiidnimo ah ayaa  dadkii ka dambeeyey ay ka baxsadeen halka uu weerarka ka dhacay inkastoo ciidamada ay rideen rasaas faro badan.

Maamulka degmada Afgooye ayaa dhowaan shaaciyey in ammaanka degmada Afgoye uu yahay mid la isku haleyn karo isla markaana aysan jirin cabsi ku aadan weeraro ay ururka Alshabaab ka geystaan magaaladaas.

Degmada Afgoye ayaa ka mid ah degmooyinka ay ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ay gacanta ku hayaan inkastoo weli qaar kamid ah degmooyinka gobolka Sh/hoose ay ka taliyaan ururka Alshabaab.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here