Howlgalo laga sameeyay Kismaayo

Magaalada Kismaayo
Howlgalo laga sameeyay Kismaayo

Wararka naga soo gaaraya Kismaayo ayaa sheegay in halkaas xaley laga sameeyay howgalo lagu soo qabqabtay dad far badan, kaddib markii shaley galab kooxo hubeysan ay ku dileen ugaas caan ka ahaa.

Sidda ay sheegeen saraakiisha ammaanka maamulka Jubba, dadka la soo qabtay waxaa ku jira labo dhalinyaro ah oo lagu tuhunsan yahay in ay ka damebeyeen dilka ugaas Xuseen Xaafow oo ahaa ugaaskii beesha Cawramal oo ka mid ah beelaha degan Kismaayo.

Dadka howgalada lagu soo qabqabtay ayaa la geeyay saldhiga magaalada waxaana ku socda baarintaano sidda uu sheegay afhayeenka maamulka Jubba Cabdinaasir Seeraar.

Amaanka Kismaayo ayaa aad loo adkeeyay, waxaana meel kasta lagu arkayaa ciidamo hubeysan.

Ma jirto cid sheegatay dilka ugaaska beesha Cawramala Ugaas Xuseen Xaafow oo ka mid ahaa wax garadka sida weyn looga yaqaano magaalada Kismaayo.

Meydka ugaaska ayaa lagu wadaa in saakay lagu aaso isla magaalada Kismaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here