Howlgalo ka Socda Degmada Ceel Waaq kadib Weerar Ciidamo Kenyan ah Lagu Qaaday

Sida ay sheegayaan dad kusugan degmada Ceel Waaq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaasi howlgalo ballaaran maanta ka socdaan kadib weerar xalay lagu qaaday fariisin ciidamada Dawlada Kenya kulahaayeen degmadaasi.

Waxaa la rumeysan yahay in weerarka ay qaadeen Ururka Al shabaab waxaana weerarka la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee gaaray ciidamada Dawlada Kenya ee weerarka lagu qaaday waxaase warar lagu kalsoon yahay sheegayaan in dhaawac uu jiro askarta Kenya.

Saraakiisha Ciidamada Dawlada ee kusugan gobolka Gedo ayaa sheegaya in howlgalada saaka ka socda degmada Ceel waaq ay yihiin kuwo amaanka lagu xaqiijinayo xilli weerar fuleynimo ay ku tilmaameen saraakiishu al shabaab xalay ku qaadeen halkaasi.

Ururka Al shabaab ayaa warbaahinta Andalus ee afkooda ku hadasha waxa laga sheegay in khasaaro xoogan lagaarsiiyey ciidamada Kenya ee xalay lagu weeraray degmada Luuq islamarkaana dhimasho iyo dhaawac badan gaarsiiyeen ciidamada Kenya.

Al shabaab ayaa inta badan weeraro gaadmo ah waxay ku qaadaan ciidamada Dawlada Somaliya taageerada dhinaca dagaalka siiya sida Askarta Itoobiya,kuwa Kenya iyo Ciidamada Amisom.

Gobolka Gedo ee dalka Somaliya ayaa waxa qeybo katirsan gacanta ku haya Dawlada Iyo Ciidamada caawinaya ee Kenya iyo itoobiya,qeyb ay Ahlusuna ciidankeeda kusugan yihiin iyo dhinac kamid ah oo shabaab maamulaan mararka qaarna dagaalo ayaa ka dhaca gobolkaasi kuyaalla koofur galbeed Somalia.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here