Howlgalo Hub Iyo Dad Lagu Soo Qabtay oo Maanta B/weyne Laga Sameeyay

Howlgalkaan oo ay si wadajir ah u sameeyeen Ciidamadad oowlada federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, ayaa maanta ka dhacay xaafada Howl-wadaag ee magaalada B/weyne.

Intii ay howlgalka sameeynayeen Ciidamada, ayaa waxay ku soo qabteen dad lagu tumayo ineey Al-shabaab ka titrsanyihiin iyo waxyaabaha qarxa.

Saraakiisha Ciidamada doowlada Soomaaliya, ayaa sheegay in dadka lasoo qabtay qaar kamid ah ay ka tirsanyihiin Ururka Al-shabaab.

Taliyaha Ciidamada doowlada ee gobolka Hiiraan Korneyl Tawane Axmed Hurre, ayaa sheegay in howlgalkaan ay maanta magaalada ka sameeyeen ay ka danbeeysay kadib markii ay heleen xog tilmaameysa in rag ka tirsan Al-shabaab ay ku suganyihiin Xaafada Howl-wadaag ee magaalada B/weyne.

Maalmihii ugu danbeeyay, ayaa Ciidamada doowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, waxay howlgalo isdaba joog ah ka sameeynayeen magaalada B/weyne ee xaruunta gobolka Hiiraan, iyadoona dad aad u farabadan ay horay ugu soo qabteen.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com