Howlgalo dadbadan lagu soo qabqabtay oo sakaay Kismaayo laga sameeyay

Howlagalos aacadihii ugu danbeeyay ay ciidamada Huwanta kasameeyeen magaalada xeebta leh ee Kismaayo ayaa waxaa lagu soo xir xiray dad gaaraya ku dhowaad ilaa 400 oo ruux.

Sarkaal u hadlay ciidamada Soomaalida ee halkaas ku sugan oo BBC-da wareeysi siinayay ayaa waxa uu sheegay in dadkaan lasoo xir xiray ay kujiraan qaar taageera ururka Al-shabaab.

Inkastoo Al-shabaab magaalada laga saaray hadana wali waxay kuleeyihiin saameeyn waxay maalin walbo ka gaystaan dilal iyo arbushaad xaga amaanka ah.

Weerarkii ugu danbeeyay ayaa waxa uu dhacay talaadadii shalay ahayd markaasoo ruux uu banbo ku tuuray maqaayad la buuxay waxaana dhacdadaas ku naf waayay 4 ruux.

Abinasir Seeraar, afhayeenka jabhada Raaskambooni islamarkaasna kamid ah kooxaha gacanta ku haya magaalada Kismaayo ayaa warbaahinta usheegay in howlgalka uu bilaawday saakay aroortii hore laguna soo qabqabtay dad badan oo looga shakisanyahay ineey ka danbeeyaan xasilooni darada kajirta magaalada.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in wax dhaqdhaqaaq ah uusan saakay kajirin magaalada, waxaa xiran goobaha ganacsiga dhamaan sidokale waxaa albaabada laysugu dhuftay Iskooladii, meel walbo waxaa taagan askar kuwaasoo xirayay qof walboo ooy uga shakiyaan inuu xiriir la leeyahay Al-shabaab.

Nolosha magaalada kismaayo waa mid Qatar ah, in kabadan 20 qof ayaa dhintay tan iyo markii maamulka magaaladaas la wareegeen ciidamada huwanta, maalin kasta waxaa kadhaca qaraxyo iyo dilal qorsheesan kuwaasoo siyaabo kala duwan loghu gaysto dad rayid ah iyo masuuliyiin.

Inkastoo Al-shabaab laga qabsaday magalaada Kismaayo hadana waxay wali maamulaan qaybo badan oo katirsan Jubooyinka waxayna awood uleeyihiin ineey weeraro joogta ah iyo dilal ka gaystaan magaalada.

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here