Howlgalo B/weyne laga sameeyay oo lagu soo qabtay Hub iyo rag katirsan shabaab..Sawiro

Ciidamada doowlada Federaalka Soomaaliya, iyo kuwa nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM, ayaa maanta howlgalo amaanka lagu sugayo waxay ka fuliyeen magaalada B/weyne ee xaruunta gobolka Hiiraan.

Ciidamada ayaa intii ay ku gudo jireen howlgalka waxay gacanta kusoo dhogeen walxaha qarxa iyo dad lagu tuhmayo ineey ka tirsanyihiin Al-shabaab.

Howlgalkaan ayaa xalay si wadajir ah Ciidamada doowlada iyo kuwa AMISOM uga sameeyeen xaafada Howl-wadaag, waxayna gacanta kusoo dhigeen hub isugu jira walxaha qarxa, rasaas, baasuukayaal, iyo rag looga shakisanyahay Al-shabab.

Gudoomiyaha maamulka Gobolka Hiiraan, Cabdi Faarax Laqanyo, oo saxaafada kula hadlayay goobihii ay howlgalada ka sameeyeen ayaa sheegay in qorshaha howlgalkaan ay mudooyinkaanba wadeen, Ciidamada DOowlada Federaalka, kuwa AMISOM iyo kuwa Ethiopia.

“Holwgalkaan waxa uu ahaa howlgal la qosheeyay oo mudaba Ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaalida ay qorsheeynayeen waana biloow waana socon doonaa insha alaah” ayuu yiri Cabdi Faarax Laqanyo.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay ineey heleen Xog muhiim ah iyo qaraxyo la doonayay in laga fuliyo magaalada, sidoo kalena waxa uu hoosta ka xariiqay in howlgalka uu sii socon doono ilaa iyo inta gobolka ka dhiman gacanta doowlada dib loogu soo celinayo.

“Xog muhiim ah ayaa helnay, Xog la’aan ciidan ma dhaqaaqo,xog ayaana meesha kusoo galnay sidii larabayna ayay u dhacday” ayuu hadalkiisa sii daba dhigay.

Waa howlgalkii ugu horeeyay oo ay si wadajir ah uga sameeyaan magaalada B/weyne, ciidamada doowlada, AMISOM iyo kuwa Ethiopia tan iyo markii ay Ciidamada doowlada oo gacan kahelay kuwa dalka Ethiopia ay B/weyne ka saareen kooxda Al-shabaab horaantii sanadkii 2012.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here