Howlgalo ay si wadajir ah u fuliyeen Booliska AMISOM iyo kuwa Banaadir oo xalay dad lagu soo qabqabtay

Ciidamada booliska AMISOM ayaa howlgalkii ugu horeeyey xalay waxa ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada booliska gobolka Banaadir.

Howlgalkan ayaa waxaa laga fuliyey qaar kamid ah degmoyinka gobolka Banaadir iyadoo lagu soo qabqabtay dad lagu tuhmayo in ay falal amni daro ah ka wadeen magaalada Muqdisho.

Taliyaha ciidamada Booliska gobolka Banaadir Axmed Xasan Maalin ayaa sheegay in howlgalkan lagu soo qabqabtay dad faro badan isla markaana baaritaano lagu samayn doono.

Degmooyinka howlgaladan laga fuliyey ayaa waxaa kamid ah degmada Xamar Jabjab,Waaberi,Wadajir,Yaqshid iyo qaar kale.

Howlgalkan ayaa imanaya maalin kadib markii magaalada Muqdisho lagu soo bandhigey illaa iyo 15 dhalinyaro ah oo lagu eedeynayo in ay ka dambeeyeen falal dil,dhac iyo qaraxyo ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Howlgaladan ayaa waxaa ay yihiin qaar lagu doonayo in lagu xoojiyo amniga magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya oo haatan dadkii hore ugaga barakacay ay dib ugu soo laabteen magaaladuna ay noqotay mid mashquul ah howlo faro badana ay ka socdaan,

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here