Howlgalo ay ciidamada dowlada ka sameeyeen Afgooye

Howlgalo lagu soo qab qabtay in ka badan 100 ruux ayey maanta ciidamada Dowlada Soomaaliya ka sameeyeen degmada Afgooye.

Sida ay wararka sheegayaan ciidamada oo isugu jiray boolis iyo nabad sugid ayaa baaritaano ka sameeyey xaafado badan kuwaasi oo ay ku qabteen dad u badnaa dhalinyaro.

Dadka la qabtay ayaa qaar la soo sii daayey halka saldhiga lagu xiray qaar badan oo ay ciidamu ku sheegeen in ay uga shakiyeen in ay ka tirsanyihiin Al Shabab.

Howlgaladan ayaa ka danbeeyey kadib marki shalay ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada lagu weeraray qaraxyo bambooyin ah kuwaasi oo sababay qasaaro u badnaa dhaawac.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here