Howlgalki ugu balaarnaa oo ka soconayo degmada Heliwaa

Ciidamada dowlada KMG Soomaaliya ayaa saakay ilaa iyo hada howlgalo balaaran ka wada degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho.

Howlgalka oo wada saameeyey degmada waxaa ka qeybgalaya ciidamada nabadsugida, iyo kuwa booliska waxaana la sheegayaa in lagu soo qab qabtay dad aad u fara badan inkastoo aanan wali la xaqiijin tirada.

Gudoomiyaha degmada Heliwaa, Cumar Jacfaan ayaa sheegay baaritaanadaasi in lagu xaqiijinayo amaanka guud ee degmada oo maalmahan ahaa mid kasii darayeye.

“Degmada baryahaan waxaa kusoo batay qaraxyo marka ciidamada waxay dar dar geliyeen howlihi lagu baacsanayey kooxaha nabad diidka, wali wuu socdaa baaritaanka markuu dhamaado ayaan sheegi doonaa dadka lagu soo qabtay,” ayuu yiri.

Degmada Heliywaa ayaa todobaadki hore waxaa ka dhacay laba qarax oo kii ugu danbeeyey uu ahaa mid shalay lala eegtay baabuur Cabdi Bile ah oo uu la socday sarkaal ka tirsan ciidamada milariga.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here