Howlgalka La dagaalanka B/badeeda Soomaalida oo la Kordhiyey

Burcad badeeda
Five Somalis convicted of piracy sentenced in 2010 attack on USS Ashland

Midowga Yurub ayaa siyaadiyay waqtiga howlgalka ladagaalanka Burcadbadeeda somalida ee Atlanta ,waxaana midowga yurub uu ku kordhiyay ilaa 2 sano oo noqoneesa 2016 bisha December in howlgalka ladagaalanka burcadbadeedu uu soo idlaandoono.

Howlgalka ladagaalanka burcadbadeeda Somalida ayaa ujeedka ugu weyn waxa uu yahay in laga hortago weerarada kooxaha burcadbadeedu ay kuqaadaan maraakiibta Caalamiga ah ee mara biyaha Somalia ,sida lagu cadeeyay warbixinta Midowga Yurub.

Midowga yurub oo howlgalka ladagaalanka burcadbadeeda bilaabay sanadkii 2008 ayaa aamisan in howlgalkan uu hoos udhigay weeraradii ay qaadi jireen kooxaha burcadbadeeda Somalida.

labada sano ee socota oo uu socon doono howlgalkan ayaa lagu qeexay lacagta kubixi doonta ilaa 14.7 Million oo Euro.

Taliyaha howlgalkan ladagaalanka burcadbadeeda Somalida  General Martin Smith ayaa sheegay in ciidamadooda ay siyaadin doonaan howlgalada iyo gaaf wareega bada Somalia si loo yareeyo qataraha kooxaha burcad badeeda Somalida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here