Howlgal xoog leh oo xiligaan ka socda Afgooye

Ciidamada dowlada KMG Soomaliya ayaa tan iyo saakay ka wada magaalada Afgooye howlgalo xaga amaanka ah kaasi oo durbaba lagu soo qab qabtay dad fara badan.

Howlgalka oo ay ka qeybgalayaan ciidamo isugu jira, milatari, boolis iyo nabadsugid ayaa waxa uu ka socdaa afarta xaafadood oo ay ka koobantahay degmada Afgooye, inkastoo uu si aad ah ugu xoog badan yahay baaritaanka xaafadaha Dhagaxtuur iyo Xaawo Taako.

Taliyaha ciidanka nabadsugida ee gobolka Banaadir, Khaliif Axmed Ereg oo ku sugan Afgooye ayaa u sheegay Radio Muqdisho ee ku hadla codka dowlada in haatan la hayo dad ka badan 50 ruux.

Dadkaasi la qabtay waxa uu u kala qaadya laba, qeyb uu ku sheegay in la yaqaano oo ka tirsan Al Shabaab iyo qaar laga shakisanyahay oo lagu sameyn doono buu yiri baaritaano.

Howlgaladaan xaga amaanka ah ee ka socda Afgooye ayaa ah kuwi ugu horeeyey oo ay dowlada KMG ka sameyso halkaasi tan iyo marki aysi buuxda ugala wareegtay degmada Xarakada Al Shabaab todobaadki lasoo dhaafay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.