Howlgal uu Horkacaayo Agaasimaha Nabadsugida oo Muqdisho ka Socda

Ciidamada Nabadsugida qaranka Soomaaliyeed ayaa waxa ay holwgal ballaaran ka wadaan xaafada suuqa xoolaha ee Degmada Yaaqshiid Gobalka Banaadir.

Howlgalka ayaa wxu yahay mid ammaanka Degmadasi lagu xaqiijinayo sidoo kalena lagu badi goobayo rag Shabaab ah oo ku dhuumaleysanaya Xaaafada Suuqa Xoolaha oo maalamahan dambe laga soo qab qabtay dhalinyaro badan iyo hub kala gedisa.

Agaasimaha Hay’adda Nabadsugida qaranka Soomaaliyeed iyo taliyaha Hay’adda Nabadsugida Khaliif Axmed Ereg ayaa horkacaya howlaglka waxaana ciidamada Nabadsugida si gaar ah ay ubaarayaan xaafadaha Suuqa Xoolaha qeybta Degmada Yaaqshiid Xigta.

Mudooyinkaan dambe  ciidamada Dowladda Soomaaliya  ayaa Degmada Yaaqshiid waxa ay ka wadeen howlgalo ballaaran oo ammaanka Degmooyinka qaar ee Gobalka Banaadir lagu xaqiijinayo.

Saraakiisha ciidamada Nabadsugida ayaa amar waxaa lagu siiyay inay dardargeliyan howlagala lagu xaqiijinayo ammanka Magaalada Muqdisho isalmarkaana lagula dagaalamayo kooxda Shabaab ee ku dhumaalaysanaya Magaalada Muqdisho.

Dhalinyaro kala duwan ayaa lasoo sheegayaa in lasoo qab qabtay kuwaasi oo ciidamada Dowladda Soomaaliya ay soo xireen.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here