Howlgal uu hogaaminayo Taliyaha Milatariga Soomaaliya oo ka socda Sh/dhexe-Sawiro

Howlgalo Milatari oo ka soconaya Shabeelaha Dhexe
Howlgalo Milatari oo ka soconaya Shabeelaha Dhexe

Gobalka Shabeelaha dhexe ayaa waxaa ka socda howlgalo ballaaran oo la doonayo in maleeshiyaadka Al-Shabaab looga saaro guud ahaan deegaanada ay ka joogaan Gobalkaasi.

Howlgalkaan ayaa waxaa hogaaminaya Taliyaha ciidanka xooga dalka Soomaaliya sareeyo gaas, Maxamed Adan Axmed, sida Wakaalada Waraka qaranka Soomaaliya ee SONNA u xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda gaashaandhiga.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa amar ku bixiyay in Al-Shabaab si deg deg ah looga saaro guud ahaan Gobalkaasi Shabeellaha Dhexe.

Kooxda Al-Shabaab ayaa haatan waxay ku sugan yihiin deegaano yar oo fara ku tiris ah, waxaana jira deegaano badan oo horay ciidanka xooga dalka Soamaliyeed ay kaga sifeeyeen kooxdaan.

c1 c3 c4 c5 c7 c8

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here