Howlgal Saaka Ciidanka Ximan & Xeeb ka wadaan Degmada Cadaado

Aargada-Cadaado

Ciidanka Amaanka Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa waxay saaka howlgal lagu Xaqiijinayo amniga ay kasameynayaan deegaanada ku dhaw Degmada Cadaado ee Gobolka G/gaduud.

Saraakiil qeyb ka ah Howlgalkaasi ayaa waxay sheegeen in Howlgalka uu yahay mid ballaaran ilaa hadana uu socdo.

Dad kusugan Meelaha Baaritaanka uu ka socdo waxay soo warinayaan in weli aaney jirin dad howlgal lagu qab qabtay waxaana saameyn uu ku yeeshay howlgalkaasi dad ku Safrayey deegaanada baaritaanka ka socdo.

Amniga Cadaado iyo Deegaanada ku dhaw dhaw ayaa waxa gacanta ku haya Ciidanka Maamulka Ximan Iyo Xeeb oo iyagu Hoostaga Maamul deegaanka dadkiisa ay sameysteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here