Howlgal ka dhacay Baladweyne

Howlgal ay iska kaashadeen ciidamada Dowlada iyo kuwa Itoobiya ayaa maanta ka dhacay magaalada Baladweyne.

Sida ay kusoo waramayaan wariyaasha ku sugan halkaasi, howlgalka oo lagu soo qab qabtay dad u badnaa dhalinyaro ayaa ka dhacay xaafada Howlwadaag ee ku taala dhanka Galbeed.

Ciidamada ayaa u sheegayey dadka in aysan ka bixi karin guryahooda, sidoo kalana waxaa xirnaa inta badan wadooyinka soo gala magaalada iyo xaafadaha ay baaritaanada ka socdeen.

Sarkaal ka tirsan ciidamada ayaa sheegay in ay ku qabteen dad dhowr ah kuwaas oo ay haatan ku socdaan baaritaano.

Baladweyne ayaa waxaa maalmihi lasoo dhaafay ka jiray weeraro u badnaa qaraxyo oo lala eegtay ciidamada Itoobiya iyo saraakiisha ciidanka Dowlada.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here