Howlgal dad badan lagu qabqabtay oo booliska Kenya ay ka sameeyeen Islii

Howlgal dad badan lagu qabqabtay oo booliska Kenya ay ka sameeyeen Islii
Howlgal dad badan lagu qabqabtay oo booliska Kenya ay ka sameeyeen Islii

Wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi gaar ahaan xaafada islii ayaa sheegaya in halkaas maanya laga sameeyay howgalo lagu qabtay in ka ka badan 657 qof oo looga shakiyay inay ku lug leeyihiin qaraxyo xaley ka dhacay Xaafada Islii

Howlgalka ayaa billowday kaddib markii qaraxyo xaley fiidkii ay ka dhaceen xaafadda ay ku badan tahay Soomaalida Kenya, waxaana kudhimatay lix qof, dhowr iyo toban kalena waa ay ku dhaawacantay.

Wasiirka arrimaha gudaha Kenya Joseph Ole Lenku oo saxaafada la hadlay intii howgalka uu socda ayaa sheegay in howlgalka socda uu yahay mid lagu adkeynayo ammaanka xaafadda Eastleigh, uuna socon doono ilaa laga soo qaban doono kuwa geystay weerarka qaraxyada.

Ole Lenku ayaa ka codsaday dadka ku nool Nairobi inay booliska ka caawiyaan sugidda ammaanka iyo soo sheegidda cid kasta oo lagu tuhmayo inay wax u dhimeyso nabadgelyada

Dadka la xiray ayaa la geeyay xabsiga Bangaani oo ku yaalla Nairobi, qarixii xaley waxaa ka horeeyay qarax kale oo Axadii la soo dhaafay ka dhacay Xaafada Islii waxaana la sheegay in uu ku dhintay qofkii watay.

Balse dadka deggan Islii qaarkood oo aan la xiriiray waxay sheegayaan in boliisku ay lacago uruursanayaan halka ay amaanka sugi lahaayeen.

Dadka dhintay ayaa ku sugnaa mid ka mid ah maqaayadaha, sida uu sheegay madaxa ciidamada ammaanka ee Nairobi, Benson Kibue.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay inay ka dambeysay qaraxyadaasi is xig xigay.

1 COMMENT

  1. ma runbaa ama waaa sheeko la sameeyey ama waa marmarsiiyo la rabo in ayy siii joogto kismaayo kuukeyda waxay barteen sida riwaayadaha loo alifo sidee ku dheci kartaaa meeel ciiidan ilaaa 1500 ay jooogaan in la qarxiyo maaalmahaaan waxa socda waaa in caalamka been laga gado hadiii ay nabad daacad ka tahay mee kasoo baxaa dhulka soomaliya haddiii aysan danno iyo siyaasad lugooyo aysan wadin siyaasiyiiin badan waxay sheeegeen ama dowlada kula taliyeen in ciidamada laga sooo saaro gudaha sooomaliya waaa in xadka lagu sooo celiyo riwaayada is qarxinta laga yaabo in ay tahay wixiii xun xaaawo ayaaa leh

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here