Howlgal ballaaran oo saaka laga Sameeyey Muqdisho

Howlgalo ciidamada ay ka sameeyeen xaafado ku yaala Muqdisho
Howlgalo ciidamada ay ka sameeyeen xaafado ku yaala Muqdisho

Waxaa saaka ciidanka dawlada iyo kuwa AMISOM ay ka sameeyeen howlgal ballaaran xaafado katirsan Magaalada Muqdisho.

Howlgalka ayaa ciidanka iskaabayey ay ka sameeyeen xaafadaha Soona Keey ilaa Cusbitaalka Digfeer ee degmada Hodan.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ciidanka ay saaka aroortii ay kusoo jarmaadeen ciidanka AMISOM iyo kuwa Dawlada Federaalka Soomaaliya.

Tiro dad ah ayaa ciidanka la sheegay inay xabsiga dhigeen oo saaka howlgalka lagu soo qabtay xilli ay guryahooda ku jireen.

Saraakiisha ciidanka ee howgalkaasi hogaamineysay waxay sheegeen in Amaanka lagu xaqiijnayo islamarkaana ay dadka saaka soo qabteen baaritaano la marsiin doono kii dembi lagu waayana lasii deyn doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here