Hotelo qaab Casri ah udhisan oo muqdisho kuso badanaya {Warbixin & Sawiro}

Kahor intusuan bur burin qarankii Soomaaliya 1991-dii Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho, waxaa kuyiil Hoteelo can ka ahaa wadanka iyo doowladaha Afrika, Hoteelada laxusi karo ee waagaas ay Muqdisho Caanka ku ahayd waxaa kamid ah, (Hotel Curubo, Hotel Jubba, Shabelle, Toowfiiq, Garguurte) iyo Hoteelo kaloo farabadan.

Inkastoo Hoteeladaas aan kor kusoo xusnay ay maanta yihiin kuwo bur bursan oo uu saameeyay dagaaladii mudada dheeraa wadanka kasocday, hadane maanta magaalada Muqdisho ayaa u muuqaneeysa mid kasoo raynaysa Xumaantii lagu sameeyay iyo bur-burkii.

Magaalada Muqdisho, hadda waxaa kajira horumar dhanwalbo ah, waxaa dib u bilaabmay dhismayaasha Hoteelo iyo Xaruumo ganacsi oo waaween, kuwaasoo ay maalgashanayaan ganacsato iyo qurbajoog is biirsaday.

Hoteelka Al-hayaat, waa hotel hada dhismihiisa laga wado magaalada Muqdisho, waa Hotel qaabka loo dhisay uu yahay mid Casri ah, islamarkaasna soo jiidanaya qofka gala gudihiisa, waxa uu ka koobanyahay dhowr qaybood, kuwaasoo isugu jira, qaybta jiifka, qaybta nasashada, qaybta qadada, qaybta Xafladaha aroosyada, Shirarka, iyo qaybo kaloo farabadan.

Hotelka Al-hayaat, waxaa dhismihiisa labilaabay 20 Augosto 2012, waxaana hada uu marayaa heer gaba gabo ah, hoteelka shaqooyinka uu qaban doono sidokale waxaa kamid ah in dadka kayimaada dibadaha ee doonaya ineey kusoo dagaan baabuur looga sooq aadi doono garoonka diyaaradaha islamarkaasna lakeeni doono Hotelka.

Al-hayaat Hotel, waxa uu ku yaalaa agagaarka Zobe, wadada aada Ex-koontarool ee degmada Hodan.

Agaasimaha Hotelka Saciid karaamo, ayaa waxa uu noo sheegay in mardhow mudo 20 maalmood gudahooda uu howlgali doono Hotelka Al-hayaat, sidokale waxa uu sheegay ineey qaabili doonaan dadka doonaya ineey qabsadaan Xafladaha aroosyada iyo shirarka intaba.

Magaalada Muqdisho hada waxay u muuqataa mid uu kajiro tartan xaga dhismaha ah, oo ay isugu fanayaan ganacsatada, kuwaasoo guro iyo Hoteelo waaweeyn ka dhisaya magaaalada.

Hadaba kusoo dhowaada Sawiro aan kasoo qaadnay Hotelka Al-hayaat, kaasoo loo dhisayo qaab Casri ah:

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here