Hotel ku yaal Muqdisho oo lagu qabtay Gaari qarax ka buuxo-Sawiro

13625101_10154385880259583_1564071350_nCiidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Soomaaliya ayaa Caawa Howlgal ka sameeyay Suuqa Bakaaraha, halkaas oo ay ka soo qabteen gaari walxaha qarxa iyo hub ay saaranyihiin.

Gaariga iyo Hubka ayaa laga soo qabtay Hotel lagu Magacaabo Al-Cimraan oo ku yaalla Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Saraakiisha Hay’adda NISA ayaa Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee SONNA u sheegay in sidoo kale la soo qabqabtay dadkii lahaa gaariga iyo kuwo kale oo la tuhumay.

Hay’adda NISA ayaa sheegtay in ay heleen xogta ku saabsan hubka iyo gaariga walxaha qarxa ay saaranyihiin kadibna baaris ay halkaasi ka sammeeyeen, gacantana lagu soo dhigay.

Sawirrada ay SONNA hashay ayaa lagu Soo Qaaday Taleefoonka Gacanta.

13639917_1674942892831351_746846579_o-1 13652806_1674942919498015_404801076_n

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here