Hotel Casri ah oo laga furay degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdısho {Sawiro}

Waxaa todobaadkaan hotelada casriga ah ee magaalada Muqdisho kusoo biiray hotel cusub oo lagu magacaabo Capital Plaza kaasi oo laga furay degmada Yaaqshiid.

Hotelka oo ah mid aad moodo in lala eegtay halka laga dhisay maadaama uu ku yaalo xaafada Jiira Garoob ee degmada Yaaqshiid qeybta Suuq Bacaad oo ay ku yaryihiin hoteelada casriga ah ayaa ka kooban qolal jiif ah, maqaayad weyn, qeyb cafeteria- ah oo loogu tala galay kafeega iyo shaaha iyo waliba hool weyn oo boqolaal qof markiiba fariisan karaan.

Maamulaha Hotelka Maxamed Cumar oo ka hadlay furitaanka hotelka ayaa sheegay in hotelka uu adeegyo muhiim ah u qaban doono dadka Soomaaliyeed iyo dhamaan umada İslaamka ee kusoo degata isaga oo intaasi ku daray in ay diyaar u yihiin dalabyada kale sida shirarka, aroosyada, jiifka iyo cuntada.

Kapital Plaza hotel ayaa noqonaya kii ugu danbeeyey ee laga furo magaalada Muqdisho, iyadoo bilooyimki dhawaa ee lasoo dhaafay ay kusoo badanayeen Caasimada dhismooyinka iyo hirgelinta hoteelada casriga ah taasi oo muujineysa nabada iyo dib u dhiska magaalada Muqdisho.

Wixi faah faahin ah kala xiriir  maamulaha hotelka Maxamed Cumar telfoonada +25261646060/25269979000

2 COMMENTS

  1. waaaaaaaaaaaaaaaaaw war hoteelka mamuqdishuu kuyaal waxaanba umaleeynaaye inuukuyaalo dubai kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk waxaasaa kaa hotel ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here