Horyaalka Soomaaliya: Kooxda Banaadir oo ka tallaabsatay Kooxda Elman

hORYAALKA SoomaaliyaKooxda Banaadir ayaa galabta garaacday Kooxda Elman kulan katirsanaa Horyaalka Soomaaliya, kaasoo ka dhacay Garoonka Koonis.

Kullanka ayaa ku billaawday si dar dar ah, waxaana qeybtii hore lagu kala nastay 2-1, oo ay ku hoggaamineyso naadiga Banaadir iyadoo 2-da gool ka heshay Marcel, xilli Elman uu goolka u dhaliyay Maxamed Martial.

Banaadir ayaana laga badin 24 kullan oo xiriir ah oo ay ciyaartay horyaalka Soomaaliya xilli ciyaareedkii soo dhamaaday iyo kii kasii horeeyay,waxaana guuldarro horyaalka ah oo soo gaarta BSC u dambeysay 13/05/2015, Xilligaas oo ka badisay naadiga Dekedda.

Halkaan ka daawo Sawirada Ciyaarta:

img_5196 img_5231 img_5330 img_5374 img_5377 img_5479

By Rashka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here