Horyaalka Somalia oo dib u furmaya

Kooxaha Jeenyo iyo Elman oo ballansan
Kooxaha Jeenyo iyo Elman oo ballansan

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa shaaca ka qaaday in horyaalka kubada cagta Soomaaliya ee ‘Nation Link Telecom Championship’ uu dib u furmayo maalinta Arbacada ah ee inasoo aadan oo bisha Janaayo ay tahay 1 sanadka 2014-ka, waxaya cayaarta ugu horeysa isaga hor imaan doona naadiyada kala ah Jeenyo United iyo Elman FC oo horyaalka difaacaneyesa.

Sida ku cad jadwalka Axadii la sii daayay, naadiga ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Heegan ayaa la kulmi doonta naadiga Savana maalinta Khamiista ah, halka Maalinta Jimcahana ay is haleeli doonaan Banadir Sports Club iyo Dekedda.

Labada cayaarood ee Jeenyo VS Elman iyo B.S.C VS Dekedda ayaa la saadaalinayaa in ay noqon doonaan labada cayaarood ee ugu ad-adag todobaadka dib u furidda horyaalka dalka.

Tartankan ayaa ka bilaaban doona cayaarta 8-aad, oo ah halkii markii hore lagu joojiyay sida ku cad isku aadka maanta la sii daayay.

Horyaalka ‘Nation Link Telecom Championship’ oo ah tartan isboortiyeedka ugu shacbiyadda badan dalka ayaa la hakiyay bishii November ee sanadkan sababo la xariira xulka qaranka oo cayaaro ku lahaa dalka dibadiisa, sida lagu sheegay war saxaafadeed uu maanta soo saaray xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Cabdi Qani Saciid Carab.

Horiyaalka kubadda Cagta Soomaaliya ayaa waxaa ka qaybgalaya ilaa siddeed koox oo kala ah: Elman, Heegan, Dekedda, Banaadir Sports Club, Jeenyo, Horseed iyo Savaana, waxaana sannadkan markii ugu horreysay 22-sanno kaddib lagu qabtay garoonka Banaadir oo la dhigay cowska macmalka.

Horiyaalka waxaa u soo daawasho taga dad aad u fara badan oo ka yimaada degmooyinka gobalka Banaadir iyo deegannada ku dhowdhow kuwaasoo jecel cayaarta kubadda cagta.

Ra’yigaaga ka soo dhiibo?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here